Saaxil Foundation
Ururka horumarinta Saaxil (UHS)...

Home / Hoyga

News and Events

About Us

Guest Book

Photo Gallery

Contact US
About Us

Ururkan Saaxil Foundation / Ururka Horumarinta Saaxil ee “ U.H.S “ waxa lagu aasaasay Magaalada Birmingham UK , iyadoo lagu dhawaaqay 18/05/2008 (18May).

waxaana aas-aasay Ururkan Dhalinyarada Somaliland ee Gobolka Saaxil, iyadoo ay ahayd fikrad ku jirtay Maskaxda dhalinyaradan aas-aastay Muddo Farabadan oo ku Hamiyi jiray in la helo markasta oo loo arkaayey in Baahi loo qabo Ururkan oo kale. Ururkani wuxuu wada shaqayn la leeyahay Qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Saaxil sida Haweenka iyo Odayaasha IWM.

Waxa kale oo ururkani wada shaqayn xoogan uu la leeyihiin Dhallinyaradda Reer Saaxil ee Somaliland iyo kuwa Dalka Norwayba.  

Ururkani wuxuu ka koobanyahay Qaybaha Badan ee bulshada Sida:- Haweenka, Waxgaradka , Aqoonyahanka, dhalinyarada Iyo Duqayda IWM.  

Ururkani wuxuu wax ka qaban doonaa Gobolka Saaxil iyo Deegaanada u dhawdhaw ama Ku Xeeran, Ururkani waa urur khayriya oo samafal ah ururkani wuxuu wax ka qaban doonaa Arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo-abuurista, Deeganka Iyo Wacyi gelinta Dadka ku nool Gobalka Saaxil Iyo Degaanadda u dhowdhow ama Ku xeeran.

Home / Hoyga
News and Events
About Us
Guest Book
Photo Gallery
Contact US