| ||||||||||||||||||||||||||||||||
|
WAX WADA QABSI AYAYNU HORUMAR KU GAADHI KARNAA
waxa hubaal ah in Bulsho kasta asaaska horumarkeeda uu yahay isxil-qaankeeda, sidaas daradeed hadaanu nahay bulshaweynta Saaxil waxaan hiil iyo hooba la garab taaganahay cid kastoo heegan u ah wax qabadka gobalka. waxaanu soo dhawaynaynaa in aan ku guulaysan doono halganka dheer ee loo mari doono horumarka gobalka kaasi oo aanu ciwaan ama title uga dhignay "Wax wada qabsi ayaynu horumar ku gaadhi karnnaa" Sidaasi daraadeed hadaanu ka midnahay qurba-jooga gobalka waxaanu soo jeedinaynaa qodobadan hoos ku qoran. 1- In ay dhamaan Aqoonyahanada, Waxgaradka, Gancastada, Ururada bulshada (local Oragnizations) iyo Madaxdhaqameedka Gobalka Saaxil IWM ay si wada jira noogula guntadaan wax qabadka iyo horumarka gobalka. 2- In la helo Umbrella ama Frame-work ay ku wada midoobaan dhamaan cid kasta oo danaynaysa wax qabadka gobalka. 3- In si degdeg ah loo helo xog buuxda oo ku saabsan baahida dhabta ah ama (Actual demands) ee ka jirta gobalka Iyo Hareerihiisa.ha noqoto mid waxbarasho, ama mid caafimaad, ama adeega bulshadaba si looga wada tashado qaabkii wax looga qaban lahaa. 4- In mudanaanta la siiyo hadba baahida weyn ee u baahan in wax laga qabto ha noqoto dhinac waxbarasho, Caafimaad ama dhinacyada kale adeega bulshada IWM. 5- In la mideeyo waxqabadka gobolka si wada jirana looga wada qayb qaato si loo gaadho midho wax ku ool ah. 6- In la helo xidhiidh wada shaqayn joogta ah kaasi oo ka dhaxeeya qurba jooga iyo kuwa dalka jooga ama qurba jooga dhexdoodaba si loo wada gaadho aayaha Mustaqbalka Gobalka Saaxil. 7- In sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo Wax-qabadka Gobolka. Waxa iyaguna Amaan iyo sharaf mudan Waxgaradka Saaxil iyo dhamaan Jaaliyadaha Yurub iyo Waqooyiga America. waxaananu leenahay"Gobalka Cidna uma maqna Ceelna uma qodna"
| |||||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
| ![]() | ||||||||||||||||||||||||||||||