| ||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Ururka tan iyo maanta howla farabadan ayuu kaa qayb qaatey waxana gaarahaan u qabsoomay ama u fuley: - Ururkani wuxuu hore wax uga qabtay oo Kaalmo Gaadhsiiyey Dugsiga Badda ee Berbera dhaqaale dhan £2770. Ururkani wuxuu kaloo hore wax uga qabtay Dugsiga Boarding ee Dacar budhuq oo uu u diray Dhaqaale Dhan $10000 Lacagtaas waxay ka kala timi Magaalooyinka Birmingaham, Cardiff, London iyo Manchester ee UK. Ururkan waxa kaloo u suurta gashay inu diro $5000 dugsiga Boarding ee Dacar-budhuq oo loogu talo-galay in 50 kii arday ee ugu horeeyey loo siiyo Sariiro, Furshaan Iyo Go'yaal, Lacagtana waxay laga soo kala deeq galiyey magaalooyinka London, Cardiff, Birmingham ee UK Iyo Dalka Norway. Haweenka Saaxil ee Magaalada Birmingham waxay iyana Gacanta ku hayaan iminka Hawlo ku aadan wax qabashada cisbitaaladda Gobalka. Waxay fuliyeen una qorsheysan mashaariic badan oo caafimaadka ku wajahan.
| |||||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
| ![]() | ||||||||||||||||||||||||||||||