| ||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Qurbajooga Saaxil oo deeq Cusub iskugu keeney dugsiga cusub ee Dacarbudhuq una gudbiyey Gudiga Mutadawnimada ee gacanta ku haysa Dugsigaas. Iyadoo ay iska kashadeen barnaamijkaa qurba-jooga ReerSaaxil ee UK Iyo Norway waxay u fushay sidii loogu talo galay. ** Iyadoo ujeedadu ahayd in lagu dhaqaajiyo Ardaydii ugu horaysay ee bilaabaysay Schoolka Boardingka ee Degmada Dacarbudhuq. ** Qurbajoogan Saaxil UK wuxuu kaloo hore ugu direen Dugsiga Boarding ee Dacar budhuq Dhaqaale Dhan $10000, oo lagu dhisay Hoyga 1aad ee la seexanaayey Iyo Musuqulihii iyo xamaamyadii dugsigaas Lacagtaas waxay ka kala timi Birmingham, Cardiff, London iyo Manchester UK. ** Qurbajooga Saaxil Norway ayaa iyaguna hore ugu direy $8000 oo lagu dhisay Hoyga 2aad oo isna la seexanaayo.
Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa iyaduna qayb ka qaadatay oo dhismaha Dusigan oo ku kordhisay 4Fasal Iyo Hoolkii Lagu cunteeyo iyo Kithchen lagu kariyo cuntada, iyadoo Haayad ka tirsan WFP ay u diyaarisay iyaduna cuntadii Mealka ahayd ee Ardaydu isticmaalaysay oo aad odhan karto wuxuu diyaar u yahay inuu si fiican u furmo Dugsigu , inkastoo lakiin hadana ay wax dhiman yihiin.
Qurbajooga Saaxil UK Iyo Norway wuxuu iminkana u direen $3900 dugsiga Boarding ee Dacar-budhuq oo loogu talo-galay in 50 kii Arday ee ugu horeeyey loo siiyo Sariiro, Furshaan Iyo Go, yaal, Lacagtana waxa laga helay.
1. $2400 Qurbajooga Saaxil Magaalooyinka London, Cardiff, Birmingham UK. 2. $1500 Qurbajooga Saaxil ee Degan Dalka Norway. Barnaamijkan oo lagu saacidayo Dugsigaa Boardingka ee Dacarbudhuq , waxaa ka hawl galay Guddi mutadawacnimo oo Yurub joogta , waxaa iyana naga caawinaysa gudaha Guddi kale oo iyagu si Muatawacnimo gacanta ugu haysa dugsigaas gaadhsiinaysa in Dhaqalahaasi gaadho halkii loogu talo galay ee aanu soo sheegnay. Dhamaan waxaan aad ugu mahadcelinaynaa Dadweynihii ka qaybqaatay Samo-falnimadaa iyo Mucaawimadaa oo aan leenahay waa wax idiin yaala oo keyd aad u dhigateen dadkiinaa aad u gargaarteen Ilaahay Dartii. Waxaanu idinla socodsiinaynaa inaanu ku talo jirno in aanu hirgelino Ururka Saaxil Foundation / Ururka Horumarinta Saaxil ee “ U.H.S “ waxa lagu aasaasay Magaalada Birmingham UK. Ururkani wuxuu wax ka qaban doonaa Gobolka Saaxil iyo Deegaanada u dhawdhaw ama Ku Xeeran, Ururkani waa urur khayriya oo samafal ah ururkani wuxuu wax ka qaban doonaa Arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo-abuurista, Deeganka Iyo Wacyi gelinta gudaha Iyo Debadda..
Iyadoo aanu xooga saarnay Markii hore dugsiga dacar-budhuq ayaa waxaanu ku talo jirnaa inaanu mudnaanta iminka siino mashariicda kale ee u baahan wax ka qabashada ee Goobaha Kale ee Gobolka Saaxil sida ugu dhakhsaha badan.
| |||||||||||||||||||||||||||||||
![]() |
| ![]() | ||||||||||||||||||||||||||||||