Saaxil Foundation
Ururka horumarinta Saaxil (UHS)...

Home / Hoyga

News and Events

About Us

Guest Book

Photo Gallery

Contact US
.

Waa Sidee Xaaladda Magaalada Berbera Ee Xilligan?

Berbera (Qarannews)- Dhaq-dhaqaaqa Dekeda Berbera , ayaa kor u kacay , waxa kale oo xawli ku socda dhoofka Xoolaha, Weriye C/salaan Xariir Sh. Cismaan ayaa warbixintan ku lafo guraya xaalada guud ee Magaalada Berbera , waxana uu ku bilaabay sidan:

"Dadka ayaa haatan teel teel ku noqday magaalo xeebeedka Berbera , ka dib markii ay dadku ka baxeen kulaylaha daran ee dhacaya xilligan xagaaga , dugsiyada Waxbarashada ayaa la fasaxay badhtamihii Bishii May , sidoo kalena xaalada caafimaad ee Magaalada ayaa haatan ah mid aad u saraysa.

Laydhka ayaa magaalada u baxa 24-ka saacadoodba mudadii la hawl galiyay wershada Laydhka Berbera , iyada oo ay dadku aad ugu mahadinayaan xukuumada

Dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa isna si weyn looga dareemayaa magaalada Berbera , markii labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay dekeda soo gaadheen maraakiib iyo doonyo sida raashin iyo badeecado kala duwan oo dhawaana hoos u riday qiimaha raashinka daruuriga ah , waxana maalmaha fooda inagu soo haya la filayaa inay dekeda soo gaadheen maraakiib iyo doonyo kale oo sida raashin.

Sidoo kale dhaq dhaqaaqa dhoofka xoolaha ayaa ka bilaabmay dekeda , markii xukuumada Somaliland ay ooda ka qaaday in la raro xoolo in muddo ah ku sugnaa Berbera , oo muran ku dhex maray wakiilka ganacsadaha sucuudiga ah ee dhoofka xoolaha Saleebaan Al Jaabiri iyo Ganacsato muwaadiniin ah oo doonayay in ay xoolaha ka iibiyaan Carab kale.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabada lagu fasaxay dhoofka xooluhu ay hoos u dhigi doonto sicir bararka saameeyay nolosha iyo maceeshada.

Written by Qarannews Jul 19, 2008 at 06:00 PM

Wixii faahfaahina la soo xidhiidh , Saaxil foundation / Ururka Horumarinta Saaxil (U.H.S)

BACK

Home / Hoyga
News and Events
About Us
Guest Book
Photo Gallery
Contact US